Tuesday, 11 November 2008

what do you know about Haji Farah Oomaar

Umad kasta oo aduunka ku nool, waxay leedahay tariikh iyo halyeeyo ay si gaar ah u xusto kuna dheehan jiritaankooda umadeed sidaas awgeed Somaliland Aduunka iskamay iman ee waxaa u soo halgamay Libaaxyo u huray naftoodii iyo maal koodii uma baahan in aynu markasta xasuusino si ayna u halaabin taariikhda ma guuraanka ah ee umadeenu leedahay jiilka cusubna ugu baraarujino in ay bartaan halyadeena(Somaliland heroes),hadaba waxaan ka cudur daaranaya hadii wax khaldan ay articalkan ka soo baxaan maadaaba mudo hore ay ahayd goortii tarikhdu dhacday.

Haaji Faraax Oomar wuxuu ku dhashay dagaanka Gobalka Saaxil agagarka Xeebta dagmada Xagal ee dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Barbara markii ay taarikhdu ahayd sannadkii 1880kii, wuxuuna ka dhashay family maal qabeen ah kuna can ahaa maalka kala duwan miyi iyo magaalaba, waxaana dhalay Xaaji Oomar Ileeye oo ahaa wax-garad aftahmo ah lagana yaqaanay dagaankas(saaxil), dhamaan gobalada kale ee Somaliland iyo somaliyaba laguna yaqaanay geesinimo,deeqsinimo iyo ala ka cabsi ahaana culumada reer Somaliland ee wakhtigaas fariidaqa Qadiriyya tariqa (brotherhood) Sidaas awgeed Xaaji Farax Oomar oo da’yar wuxuu fursad waxbarasho u helay waxaana lagu daray milcaamad Qur’aan mudo ka dib ayaa Berbera lageeyey halkaas oo ka sii watay barashada diinta islaamka iyo luuqada carabiga , mudo ka dib ayaa waxaa la furay school uu lahaa isticmaaliyadii ingiriisku kaas oo lagu daray Faraax Oomar iyo caruur kale oo ay ka mid ahaayeen Ciise Faranji ,Fideer(gidhi gidhi fadeel aabihii ),Xuseen Kaatoli, Axmed Cali (Micheal Mariano aabihii) tira caruurtaas oo ahayeen 11 wiil, waxaay ahayd tii ugu horaysay waxbarashada casriga ah barata ee somaliyeed . Nasiib daro magacyadooda 11kaa wiil ma wada hayo marka laga reebo kuwa aan magacyadooda xaga hore ku xusay .si kastaba ha ahaatee wiilashii halkaas waxbarashadii kumay dhamaysan sababtoo ah waxaa ka horyi carqalado badan oo culumada iyo dadka rayidkuba u arkayeen in ay tahay tijaabadii ugu horaysay ee caruurtooda lagu galeenayay maadaaba duruusta schoolka ku barayaneen(curriculum) farta romanic script sidaas awgeed waxaa loo qaaday Faraax Oomar iyo 11 wiil ee kale Cadan, waxayna wax ka baran jireen school la odhan jiray Marry Church kuna yalay dalka yemen gaar ahaan bartanka magaalada cadan (central of adan city).

Markii schoolka uu soo dhamaystay Faraax Oomar oo qiyaastii da,diisu tahay 28 wuxuu ku soo noqday Somaliland halkaas uu noqday sarkaal ka tirsan ciidamada bariga Somaliland ee Rakuublayda” Regiment sergent camel crops” Isla markiiba Faarax Oomar oo ahaa nin firfircooni, karti geesinimo ilahay ku manaystay wuxuu ka dhidhiyay sidii ay isticmaalkii gumeysigii dadka ula dhaqmayay,faraax oomar halkaas xilkii ayaa lagaga xayuubiyay waxaana lagu sameeyey dabagal iyo in indho dheerada lagu hayo. Mudo ka dib faarax wuxuu waxbarasho scholarship ah ka helay dalka India(south asia) oo la odhan jiray wakhtigaa Hindustan ka talinaysay boqortooyadii British Empire, wuxuuna soo bartay Faraax Oomar cilmida shirciyada iyo garyaqaaninimada (Law). Waxay Xaaji Faarah Oomar halkaas isku barteen xidhiidh siyaasi oo guumaysi diida ahna dhex maray mr Gandhi oo ahaa siyaasi xeel dheer xornimo udirir ahaa iyo maxamed cali jinaax(Qaadi Asam) oo ahaa halyay u doodayay xaquuqda dadka musliminta ah ee reer Pakistan ,waxaana dhexmaray kulumo kala duwan isla markaasna waxay isla garteen in guumaysiga ay dalalkooda ka saran (India and Somalia).Markii Xaaji Farax Omar waxbarashadii soo dhamaystay wuxuu ku soo noqday Somaliland wuxuuna garyaqaaninimo kagaga shaqeeyey magalada Barbara iyo Burco iyo Hargaysa,wuxuuna isla markiiba bilabay kacdoon siyaasi ah iyo olole guumaysi diid ah madaama uu ahaa siyaasi hibo u leh hogaaninimada wuxuu markiiba helay tageero xad-dhaaf ah wuxuuna ku dagalaamayay aqoon xeelad fog iyo waya aragnimo ay ku lifaaqan tahay aragti siyaasi ah oo casri ah wuxuna bilaabay kacdoon mudaharaado ah”Haji Farah was an experienced political leader, and, according to Touval, was ‘one of the first modern politicians to emerge in the Protectorate’”,sidoo kale xaaji farax wuxuu xidhiidh la lahaa jaaliyada reer somaliland ee east Africa(Kenya) iyo culimada reer somaliland madaama uu dhalay sheikh ehel diin ah .waxaana taas marag u furaysa xaaji farax wuxuu markasta halku dhig u ahaa kacdoonkiisa siyaasiga ah in reer somaliland ay yihiin dad islam ah isla markaasna ka soo jeeda asalka carbeed oo aan lola dhaqmi Karin sida qomiyada Bantu ga iyo waliba in ay iyagu ay dalka leeyihiin oo anay cidna uga amar qadanahayn. waxaa kale oo faraax oomar ka soo hor jeeday kala qaybintii Somalia,wuxuuna yidhi”my country is too small so that my people cannot be divided”.Hadaba inkastoo bilawgii hore uu xaaji farax Omar kali ku ahaa halgankiisii markii danbe waxaa taageeray Nadi Atiya Rahmani Associatio oo ahaa urur ay sameeyeen beesha reer sixisaxaaq bun axmed bun haashin(isaaq) xarumana ku lahaa Burco, Hargaysa, Berbara iyo ceerigaabo ,waxaanay afhayeen matala u doorteen farax omar(Nadi Atiya Rahmani Association, a sort of Somali welfare club, which had been founded by Isaq traders in 1935 and which had branches in Burao, Hargeisa and Erigavo.Secondly, in 1938 they appointed Haji Farah Omar as their representative in British Somaliland).waxaa 1930s sii xoogaystay dhaq dhaqaaqii Faraax Oomar ku hayay British Somaliland markii taariikhdu ahayd1938 wuxuu Faarax Oomar la xidhiidhay jaaliyadii reer Somaliland(Isaaq) ee Kenya waxayna u doorteen ergayga u qaabilsan Somaliland British.maadaaba Faarax omar ahaa nin karti badan oo firfircooni iyo hibo aqoon rabi ku manaystay wuxuu olole ka bilaamay magaalada Burco bishii Augus 1938kii islamarkaasna wuxuu noqday afhayeenka xornimo u diirirka, xarnimo doonka waxaana doortay indheergaradkii Reer Burco iyo caaqiladii waxaana saxeexay 125 qof (We the under signed Akils and elders of Burco British Somaliland do hereby declare that we have come to the conclusion that we have nominated and appoint Haji Farah Omar to represent British Somaliland subjects grievance and we fully authorize him to represent in whole matters which injures and interests the tribe.),

Dhamaadkii bishii August ayaa cuqaashii, waxgaradkii iyo culamadii Hargaysana ay qalinka ku duugeen in xaaji farax omar ileeye yahay afhayeenka umada somalia” By the end of August he was gaining support in Hargeisa. Signatures were collected supporting his appointment as ‘spokesman”.sidoo kale Abdillahi Warsama oo ahaa culumada uga waawayned reer Somaliland oo guubaabinaya dadka isla markaasna xoojinaya dhaqdhaqaada xaaji faarax omar ayaa yidhi:Ninkii aan raacin muslinta, taageerina xaaji faarax omar wuxuu noqonayaa mid diinta ka baxay islaanimadiisuna dhamaatay(In the mosque a wadady Abdillahi Warsama, was alleged to have declared: ‘The man who does not follow (other) Muslims and appoint Haji Farah Omar as spokesman is finished with his religion) Isla markaasna wuxuu safaro ku kalo bixiyay Burco iyo Hargaysa iyo berbara ilaa Ceerigaabo, wuxuuna xarun ka dhigtay Burco maadaaba Burco ahayd tiirarka ugu adag iyo waliba xudunta lagaga kacsanaa isticmaalkii guumaysiga waayo waxaa dhamaan ka bilaamay kacdoonkii xornimadoonka waxaana ka mid ahaa Shikh Bashiir Revolution , Darawiishtii iyo Nadi Atiya Rahmani Association, Qadiriyya tariqa (brotherhood) iyo qaar kale oo badan . La soco qaybaha takhiirda xaaji Faarax Oomar waxanan idinku balan qadayaa in aan sawirkiisana soo raaciyo.Qalinkii A.Maliki Abdi Hassan(indho cade)Pakistan,Islamabad

No comments: