Thursday 30 October 2008

We must defend our beloved country!!!

What is reason behind this evil action against our beloved country?? I think we will never know the real reason but we can prepare to prevent it happening again in our soil; by working together i.e. government agents, opposition parties, parliaments and the public. We have to be vigilant; report any suspicious activities we see to the police and the local authority. We can only prevent further attacks if we collaborate and work together. The government must control our border and the our secret service agencies must work hard to prevent further attack and to provide secure environment for our nation. We must unit against any terrorist that want to destabilising our country.

by Musa Haji

araxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimada Somaliland ee Hargeysa

(Jam)- Qaraxyo waaweyn ayaa saaka abaaro 10:00 aroornimo ayaa gilgilay magaalada Hargeysa, kuwaasi oo dad isa soo miidaamiyay isku qarxiyeen saddex goobood oo kale ah Madaxtooyada Somaliland, xafiiska dawlada Itoobiya u qaabilsan arrimaha ganacsiga iyo xafiiska UNDP ee Hargeysa.

Qaraxyadan waxa ku naf waayay 20 ruux, halka 28 qof ku dhaawacmeen. Allah ha u naxariistee dadka ku geeriyooday waxa ka mid ah xoghayihii gaarka ahaa ee madaxweynaha Somaliland marxuun Daahir Cali Iid, la taliyihii arrimaha hay’addaha marxuun Xuseen Muxumed Afgaab, Xubin guurtida ka tirsan Maxamed Cismaan Libaax, askar ka tirsan ciidanka Qaranka, shaqaale ka tirsan UNDP iyo dad shicib.

Weeradani argagixisada ahi waxay ku soo beegmeen xilli dalka Somaliland looga diyaargaroobayo doorashooyinka madaxtooyada oo lagu gudo jiro diiwaangalinta codbixiyayaasha.

Bishii September sannadkii 2005-tii ayay ahayd markii ciidanka amaanku gacanta ku dhigeen kooxo argagixiso ah oo xag jira, kuwaasi oo isku dayay in ay carqaladeeyaan doorashooyinkii baarlamaanka Somaliland.

Haddaba weeraradan lala beegsaday caasimada Somaliland ee Hargeysi waxay fajiciso ku noqdeen dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, maadaama ay dhawr iyo tobankii sanno ee ugu danbaysay dalkoodu ku soo caano maaslay nabadgalyo iyo xasilooni dheeraada oo aan inta badan ka jirin waddamada deriska la ah.

Dhanka kalena magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ayaa laga soo sheegay in weeraro kuwan la mid ahi ka dhaceen saldhigyo ay lahaayeen ciidamada la dagaalka argagixisada, halkaasi oo hal ruux ku dhintay , toddoba kalena ku dhaawacmeen.