Tuesday 1 December 2009











Suxufiyiin Reer Somaliland Ah Oo Ka Qaybgalayay Shir Lagaga Hadlayay Badbaadinta Wariyayaasha Somaliya Oo La Soo Celiyay Kaddib Markii Ay Ku Fashilmee

“Weriyeyaasha Somaliland Waxay Doonayeen Inay Tahriib Ku Galaan Dalka Aanu Dariska Nahay Ee Kenya, Markii Aanu Ku War Helayna Waxaanu Ku Celinay Itoobiya, Waxa Naloo Sheegay Nin Lagu Magacaabo Mustafe Shiine Oo Dhuumasho Ku Galay Kenya Aanu Sugayno In Dib Loo Soo Celiyo”
Sarkaal Kanja,Ciidamada Amaanka Ee Yugaandha
“Qodobada Kasoo Baxay Shirkan Waanu Fulineynaa Waanan Meel Marinaynaa” Guddoomiyaha Ururka Solja, Mustafe Shiine
Hargeysa December 1, 2009 (Haatuf)-Suxufiyiin reer Somaliland ayaa sheegay inay ka qayb galayeen shir lagaga hadlayay badbaadinta suxufiyiinta Somaliya ayaa dib loogu soo celiyay dalka kaddib markii ay ku fashilmeen inay tahriib ku galaan dalka Kiiniya halkaas oo ay doonayeen inay kaga qayb galaan shirweynaha suxufiyiinta Somaliya oo uu soo qaban qaabiyay ururka suxufiyiinta Somaliya NUSOJ oo uu madax ka yahay nin lagu magacaabo Cumar Faaruuq, ayaa waxa ka qayb galay guddoomiyaha ururka suxufiyiinta SOLJA,Mustafe Cabdi Shiine iyo agaasimaha Radio Horyaal, Maxamed Cismaan Mire “Sayid” oo iyagu ka tagay caasimada Somaliland.
Lixda suxufi ee dib loogu soo celiyey dalka oo ka kala socday Horn Cable Tv, C/xakiin Shirwac, Slsc Tv, C/raxmaan Cismaan “Cabdi gab”, shabakada hadhwanaag, C/fataax Mursal, Oodweynenews, C/shakuur Heersare iyo Somaliland Press, C/qani Baynax, wargeyska Ogaal, C/weli Faarax Jaambiir, oo khamiistii toddobaadkii hore dalka ka amba baxay una socdaalay shirweynaha Nayroobi ee lagaga hadlayay badbaadinta suxufiyiinta Somaliya oo la sheegay in fiisayaashii ay u diiday dalka Kiiniya ay si tahriib ah is lahaayeen uga soo gala dalka Uganda lagu qabtay madaarka Entebe ee Uganda oo ciidamada ammaanka ee dalkaasi dib ugu soo celiyeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa shabakada Qarannews oo soo xigatay sarkaal lagu magacaabo Kanja oo ka tirsan saraakiisha ciidamada ammaanka ee dalka Uganda ay ku sheegtay isagoo u waramaya sarkaalkaasi in suxufiyiintaasi reer Somaliland ay doonayeen in dalka Kenya ay tahriib ku galaan ka dibna ay dib ugu soo celiyeen dalka Itoobiya, isagoo intaa ku daray in gudoomiyihii SOLJA Mustafe Cabdi Shiine oo isaguna si dhuumasho ah ku galay dalka Kenya ay sugayaan in dib loo soo celiyo.
Sarkaalkaasi ciidamada amaanka ee Yugaandha oo shabakada qarannews uga waramay suxufiyiinta reer Somaliland ee ay dib u soo celiyeen ayaa waxa uu yidhi “wariyayaasha u dhashay Somaliland waxay doonayeen inay qaab tahriib ah ku galaan dalka Kenya ee aanu dariska nahay arrinkaas ayaanu ku war helay, waxaanu dib ugu celinay dalka Itoobiya waxa la noo sheeegay in nin lagu magacaabo Mustafe Shiine uu si dhuumaalaysi ah ku galay dalka Kenya isagana waxaanu sugaynaa in dib loo soo celiyo” ayuu yidhi Sarkaalka Kanja.
Waxa kale oo warbixintaasi lagu sheegay in suxufiyiintaasi ay doonayeen in shir lagu qabanayay dalka Kenya oo lagu dhisayay idaacad cusub oo ku hadasha codka Soomaali weyn ay damacsanaayeen in dhismaheeda ay qayb ka qaataan.
Ilo wareedyo ka ag-dhow shirkaasi lagu samaynayay Idaacada codka Soomaaliweyn ayaa sheegay inuu ka dambeeyay gudoomiyaha suxufiyiinta Somalia Mr Cumar Faaruq oo isagu sheegta inuu suxufiyiinta Somaliland iyo Somalia-ba madax u wada yahay oo la sheegay in ujeedad uu ka lahaa suxufiyiinta Somaliland inay ka soo qayb gasho mid uu hay’adaha caalamka kaga doonayay inuu dhaqaale maxaafsiya kaga helo caalamkana ugu tuso inuu suxufiyiinta Somaliland iyo Somalia-ba gudoomiye u wada yahay, taasoo tibaaxaha ka soo baxayaana sheegeen in muddo dhawr bilood ah ka hor mar uu socdaal qarsoodiya ku yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa kulan uu la yeeshay gudoomiyaha ururka suxufiyiinta SOLJA Mustafe Shiine ay ku heshiiyeen in suxufiyiinta Somalialnd ay ka soo qayb galaan shirka idaacada Soomaaliweyn oo la sheegay inuu isaguna ka aqbalay, iyadoo wararku intaa ku darayaan in Mr Faaruq iyo Mustafe Shiine ay muddo saddex sanadood ah xidhiidh wada lahaayeen, xidhiidhkooduna bilowday mar Mustafe Shiine saddex sano ka hor siminaar u tagay magaalada Marka ee shabeelada hoose ee dalka Somalia oo la sheegay in Faaruuq kulan ay ku wada yeesheen siminaarkaasi uu ugu qoray in ururka SOLJA uu hoos tagayo ururka suxufiyiinta NUSOJ ee Somaliya ee Cumar Faaruuq madaxda ka yahay.
Ilaa hada xukuumada Somaliland ayaa wax war ah ka soo saarin suxufiyiinta reer Somaliland ee laga soo celiyey madaarada dalalka Itoobiya iyo Ugandha oo muddo dhawr maalmood ah ay ku xidhnaayeen, hase yeeshee doraad ka soo dagay madaarka Cigaal Internatnaniol Arport ee magaalada Hargeysa
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka suxufiyiinta Somaliya ee NUSOJ iyo urur laga magacaabo Press now oo muddo saddex cisho ah ka soconayay magaalada Nairobi ee dalka Kiiniya ayaa waxa kasoo baxay afar qoddob oo faah faahin uu ka bixiyay guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliya ee NUSOJ, Mr Cumar Faaruuq, isagoo ka hadlaya wuxu yidhi “ afar qoddob ayaa kasoo baxay kulankaasi oo ku wajahan in tababaro la sameeyo, barnaamijyo joogto ah oo lagu kobcinayo aqoonta suxufiyiinta iyo in iskaashi ay sameystaan warbaahintu”.
Dhinaca kale lixdii suxufi ee dalka dib loogu soo celiyay ee shirweynahaasi ka qayb geli lahaa oo iyagu doraad kasoo degay madaarka Cigaal Internationl Airport ayaa iyagu xaqiijiyay in shirweynahaasi ay ka qayb galeen laba suxufi oo reer Somaliland ah oo kala ah, guddoomiyaha ururka suxufiyiinta SOLJA, Mustafe Shiine iyo agaasimaha idaacada Horyaal, Maxamed Cismaan Mire “Sayid”.
Guddoomiyaha SOLJA oo ka hadlayay qoddobada kasoo baxay shirweynahaasi ay ka qayb galeen ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Qodobada kasoo baxay shirkan waanu fulineynaa waanan meel marinaynaa qoddobadaasi la gaadhay”.

source: haatuf.net