Tuesday 4 August 2009

Dhiilada Colaadeed ee ceel bardaale Qiil Ma looga dhigi karaa dib u dhaca doorashooyinka Somaliland

03.08.2009 -Colaada mudada badan soo jiitamaysay ee ka taagan deegaanka ceel bardaale xalaada nabad galyo ee ay Somaliland ku caano maashay hoos u dhaceeda kaalin intee leeg ayey ka qaadan kartaa marka loo eego xal u helid la’aanta xukumada Somaliland.
Dhiilada coladeed ee Ceel-Bardaale qiil ma looga dhigi karaa dib u dhaca doorashada madaxtooyada Somaliland mar kale?.
Xukumada Somaliland oo hada jiritaan keedu kor u dhaafay 17 sano ayaad mooday inay si weyn uga gaabisay wax ka qabashada dirirta u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha isla markaana isku deegaanka ah.
Shacabka reer Somaliland ayaad mooday hada in ay hada si weyn ugu baraarugeen dhibaatada ka taagan deegaankaas, waxaanay intooda badani eedeeda saarayaan xukumada Somaliland, halka ay dadka qaarna ku sifaynayaan wakhiti xaadirkan mid looga gol leeyahay wax qabasho la’aanteeda arin looga faa’idaysanaayo dane kursi iyo doorashada oo wakhigeeda dib loo dhigaayo.
Hadaba inta ay xukumadu ka fikirayo dane kursi iyo arrimaha doorashooyinka ma laga yaaba in mar kale Somaliland nabad galyadeeda ay qaramada midoobay dib ugu rido god madaw isla markaana hoos ugu dhaadhico darajadaad shanaad iyo lixaad waa hadii ay xaalada ceel bardaale sii kordho (Alle SWT haynaga qaboojiyee).
Dabayaaqadii bishii October ayey ahayd markii hoos u dhac weyni uu ku yimid xaalada nabad galyo ee Somaliland, taasi oo ay dalka Somaliland ka dhaceen qaraxyo fool xumo iyo nusqaan ku reebay shacabiga Somaliland.
Hadaba hadii aan shacabiga reer Somaliland meel kasta ha joogaan su’aal u soo badan dhigo, su’aashaas oo aan u arkay mid macquul ah waxa ay tahay
S. Xukumadu hadii ay xal u weyday isku soo dhawaynta walaalaha is haya, dhaqaale ay ku kala kaxayso miyey weyday?
Sharaxaad
Su’aasha waxaan ka wadaa akhriste hadii ay xukumadu in badan ku guul daraystay in ay kala kaxayso dadka walaalah ee isku hayey deegaanka ceel bardaale miyey u weyday dhaqaale ay ku kala furto oo ay beelba goonideeda si gaara ugala wareegto dhulka uguna badhasho lacag, dhulkaasna ay ka dhigto dhul qaran halka uu hada ka yahay dhul qabiilo.
Tus-mooyin Gaar ah
Xukumada jamhuuriyada Somaliland intii ay socotay dhiilada ceel bardaale waxay isku dayday inay albaabada u laabto war baahiyayaasha hada iyo jeer u dhuun daloola helida wararka iyo soo gudbinta wararka ku saabsan arrimaha ka socda galbeedka Somaliland.
Sidoo kale waxay xukumadu heegaan ugu jirtaa sidii ay u tir tiri lahayd xarumaha war bahineed ee sida gaarka loo leeyahay ee had iyo jeer baahiya wararka isku dheeli tiran een u jan jeedhin dhanka xukumada isla markaana aan baahin wararka xisbiga UDUB.
Xukumadu waxay caado ka dhigtay in ay ku soo gabato had iyo jeer wax kasta oo khal khal gelinaya geedi socodka iyo nabad galyada Somaliland, taasina waxay u samaysaa xukumadu in ay sii hayso talada dalka kuna sii fadhido kursiga madaxweynaha ku abuuray war warka isla markaana ilawsiiyey masiirkii umada Somaliland.
Madaxweynaha iyo xukumadiisu waxay inta badan ku hawlan yihiin isku dayac-tirka hantida qaranka iyada oo aan loo aabo yeelan, waxaana laga masruufaa in ka badan 23 wasaaradood oo aanay intooda badan soo fadhiisan wasiirada iyo sawiiro ku xigeenadooduba.
Halka ay ku dul-man yihiin in ka badan toban kun oo askari kuna kala daadsan degmooyinka iyo jiidaha hore ee Somaliland hadh iyo babeena u heegan difaaca qaranka Somaliland.
Lacagta sida weyn loogu tiriyo madaxweynaha Somaliland waxaa ka mida lacagta loo yaqaano leefiga ee ka soo xaroota dhoofka xoolaha Somaliland oo si toosa u soo gasho madaxtooyada isla markaana aan soo marin wasaarada maaliyada oo ku shaqo leh in lagu soo wareejiyo lacagta ka soo xaroota dhoofka xoolaha.
Intaas waxaa siyaado ku ah lacagaha ayeynaan ka war hayn meel la mariyo iyo sida ay u baxaan, hada dhaqaalahaas aynu kor ku soo sheegnay xukumadu miyey ku kala furan kari weyday labada beelood ee hada isku haya deegaanka ceel bardaale.

source: halganews
Qalinkii: Nimco Muxumed Ibraahin

Qaali540@hotmail.com




Hargeisa/Somaliland

No comments: