Tuesday 4 August 2009

Nairobi (Somaliland Young Politicians) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay si toos ah ugala xidhiidhay Madaxweyne Riyaale go’aankii Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku laaleen diiwaangelintii codbixiyeyaasha Somaliland, kaas oo uu Madaxweyne Riyaale-na ku raacay laalista diiwaangelintii codbixiyeyaasha.
War-saxaafadeed shalay ka soo baxay Safaaradda dawladda Maraykanku ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa lagu sheegay inay dawladda Maraykanku aad uga xuntahay waxyaabaha ugu dambeeyay ee ka dhacay Somaliland, gaar ahaan go’aankii Madaxweyne Riyaale iyo Komishanka Doorashooyinku ku laaleen liiskii dhowaan la dhammaystiray ee diiwaangelintii codbixiyeyaasha.
“Dawladda Maraykanku waxay si aad ah uga xuntahay waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Somaliland, gaar ahaan go’aanka Madaxweyne Riyaale iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku laaleen liiskii diiwaangelintii Codbixiyeyaasha ee dhowaan dhamaystirmay” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka dawladda Maraykanka ka soo baxay.
Waxa kale oo war-saxaafadeedkan lagu sheegay inay dawladda Maraykanku rumaysan tahay inay liisaska diiwaangelinta Codbixiyeyaashu yihiin kuwo munaasib ah oo lagu geli karo doorashada Madaxtooyada Somaliland ee loo balansan yahay 27-ka September 2009. “Waxaanu rumaysan nahay inay munaasib ku yihiin liisaska diiwaangelinta codbixiyeyaashu in lagu galo doorashada loo cayimay inay dhacdo 27-ka September.”
Ugu dambayntii dawladda Maraykanku waxay sheegtay inay si toos ah ula soo xidhiidhay Madaxweyne Riyaale, isla markaana ay ka codsatay inuu dib uga noqdo go’aankiisa uu ku laalay natiijadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaana war-saxaafadeedkaas lagu yidhi: “Waxaanu si toos ah ugala soo xidhiidhnay Madaxweyne Riyaale inuu dib uga noqdo go’aankiisa uu ku laalay natiijada diiwaangelintii codbixiyeyaasha.”
Dhinaca kale, waxaa ilaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay isa soo tarayey warar sheegaya in Madaxweyne Riyaale uu socdaal kedis ah ugu bixi doono dalka Itoobiya, kadib markii sida la sheegay uu Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu u yeedhay.
Ma jiro war rasmi ah oo socdaalka Madaxweynaha ee la sheegay la xidhiidha, sidoo mar aanu xalay isku daynay inaanu masuuliyiinta xukuumadda wax ka weydiino socdaalka la sheegay inuu Madaxweynuhu ugu baxayo dhinaca Itoobiya, ayaanay noo suurto-gelin, hase yeeshee sida ay wararkani tibaaxeen yeedhmada Meles Zenawi ee Madaxweyne Riyaale ayaa waxay daaran tahay marxaladda cusub ee soo waajahday Somaliland iyo muranka u dhexeeya Madaxweyne Riyaale iyo beesha caalamka ee dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ka taageera Somaliland, taas oo ka dhalatay go’aankii ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xukuumadda Daahir Riyaale ku laaleen liisaskii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee malaayiinka dollar ku baxeen, isla markaana dalka laga saaray wakiilkii hay’adda Interpeace oo qaadhaan-bixiyeyaasha wakiil uga ahayd Somaliland.
Gudoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaridka ayaa la filayaa inay maalinta Arbacada kulan kula yeeshaan magaalada Nairobi wefti ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo ay hoggaaminayso Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dawladda Xukuumadda Madaxweyne Obama, Mrs. Hillary Clinton, waxaanay hoggaamiyeyaasha Mucaaridka Somaliland sheegeen inay kala hadli doonaan Masuuliyiinta Maraykanka iyo dalalka reer Yurub ee ay kula kulmi doonaan Nairobi sidii ay beesha Caalamku u taageeri lahayd qadiyadda Somaliland iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan bisha September ee sannadkan, isla markaana cadaadis ay beesha caalamku ugu saari lahayd xukuumadda Riyaale inay dalka ka qabato doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu galo natiijadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Dhinaca kale, Masuul ka tirsan shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa sheegay in ay ka fekarayaan haddii xukuumadda Riyaale ka noqon waydo go’aankeeda, in sida ugu dhakhsaha badan ay ugu soo rogayaan xayiraad la saaro dhaqdhaqaaqa socdaal “travel visa” ee masuuliyiinta xukuumadda Riyaale ugu baxayaan dibadda, isla markaana xanibaad lagu soo rogi doono dhamaan wixii dhaqaale ah ee u yaala dibadaha.
Talaabadan ayaa noqon doonta mid saameyn doonta gebi ahaanba wasiirada xukuumadda, iyadoo ay dhowaanna qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka Midowga Yurub soo hadal-qaadeen fikradda ah in waddamadoodu ka fiirsanayaan sidii ay xayiraad xaga socodka ah loogu soo rogi lahaa siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Riyaale, haddii ay is-hortaagaan geedi socodka dimuqraadiyadda iyo qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhaca Somaliland.
Bishii July 13-keedii ayaa Hay’ada Human Right Watch soo saartay qoraal 56 bog ah, oo ay cinwaan uga dhigtay “Dimuqraadiyadda Curdinka ah ee halista ugu jirta Qalalaasaha Doorasho wuxuu caddeynayaa walaac ka weyn ee Xuquuqda Aadamaha”. Qoraalkan ayaa ahaa mid si tafi tiran uga waramay tacadiga iyo gafafka dawlada Riyaale kula kacdo saxaafada madaxabanaan, siyaasiyiinta mucaaridka iyo shakhsiyaadka kale ee iyagu markaa wax ka sheega dawlada Riyaale. Waxaana muuqata in war saxaafadeedka maanta Maraykanku soo saaray tahay mid muujinaysa walaaca iyo dareenka xun ee wadamada reer galbeedku ka qabaan sida ay xukuumadda Riyaale u dhaqmayso.
Maaha markii ugu horeesay ee wadamada reer galbeedku saaraan xayiraad noocan oo kale, qaar ka mid ah madaxda Afrika ee iyagu ku xadgudba arrimaha xuquual insaanka iyo dimuqraadiyadda la xidhiidha, balse waxaa iyagana xayiraad noocan oo kale ah hore loo saaray Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe, xaaskiisa iyo qaar ka mid ah wasiirada xukuumaddiisa. Waxaa kale oo isna xayiraad noocan oo kale ah la saaray madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashir.

Source Haatuf

No comments: