Tuesday 4 August 2009

Maanta HCTV beri yaa hadhay?

Waxaad moodaa in dawlada Somali land marba marka ka danbeysa ay caado u noqotey xadhig iyo caga jugleyn in ay kula kacaan wariyayaasha iyo bahweynta saxaafada somali land. Waxaa iminka la is weydiinayaa maxaa lagu heystaa waa suaal ay dadka inta badan iswaydiyaan, waxaan dhawaan tagay somali land gaar ahan aniga oo u kuur galay saxafada somali land waxan booqday xaruntooda HCTV.
Geeska Africa, jamhuuraya, Hadhwaanag web iyo Radio Hargaysa ,TV Qaran Horyaal radio IWM.
Waxaana shaaha iyo sheekada iskugu kaaya baxi jirtay dhalinta ku hawlan warbaahinta kala duwan ee ka socata Somali land.
Runtii dhalinta ku hawlan saxaafada ma helaan dhaqaalo ku filan mana haystaan aaladaha casiraga ah ee maanta lagu isticmaalo dunidan, iyaga oo ku dadalaya inay helaan wararka xaqiiqada ah. Hadaba sidii maanta loo xidhay TVga ugu hormuudsan TVga ku hadla afka somaliga kaasoo laga heli jirey warar lagu kalsoonyahay. HVTVga oo aan booqday laba isbuuc kahor oo ila muuqday TV ku howlan in aay qanciyaan dadka ka daawada shaashadaha oo radinaya warar sax ah iyo barnaamijyo horumar leh.
Hadaba maanta waxa ku habsatay dhibaato horey loo arkey oo lagu xidhay warbaahin badan iyo suxufiyiin loo taxabay jeelka mandheera, dawlada somali land ayaad mooda in aay caga juglaynta iyo xidhitaanku yahay, mid aay ku doonay in aay ku cabudhiyaan saxafada xorta ah.
Hadaba si kastaba ha ahaatee dowladu waxey u aragtaa saxaafada madaxa banaan mid lidi ku ah, mar aan la sheekaystay mid ka mid ah wasiirada dowlada uu ii sheegay in ay saxaafadu tahay mid been badan alifta ,doonaysana inay iska hor keenaan shacabka iyo dawlada xukanka haysa. Mar aniga oo Documentary duubaya ayaa waxa ii joojiyey labo askari oo aan uu sheegay inaan documentary duubayo ayaa askari ka mid ah igu yiray, ma waxaad tahay kuwa dawlada beenta ka sheegi jiiray.
Hadaba waxad mooda in dadku ay ilaaween doraato la xidhay haatuf shaleyna la xidhey Radio horyal maantana HCTV, barina ??
Iyada oo dowlada somali land gacanta ku heyso idaacadii ugu horeysay ee ku hadasha afka soomaaliga iyo tv ga qaranka iyo jaraa idka Maandeeq, iyagoon laheyn wax tayo ah ayaa mid ka mid shaqaalaha tv ga qaranka igu yiri waxaan ku jirnaa xabsi, kana hadli karin xaqiiqda jirta.
Iyada oo dawlada doonaysa inay afka u dhigato wararka dhabta ah ee ka soo baxa
warbaahinta madaxa banaan ee saxda ah. hadaba dadku waa jecelyihiin inay maqlaan warar sugan iyo barnaamijyo tayo leh waa inay eegaan waxa sharci darada ah ee aay dawlada ku kaceyso.
Somali land waxay ku dhisan tahay kala danbayn iyo wadatashi, iyada oo aad moodo dawladu in aaney dhagaheedu u farnayn shacab keeda, “abwaan ka mid ah abwaanada caan ka ah somali land ayaa waxaa uu yidhi waxa u dhaxeeya dawladan iyo dawladii kaligii taliska aheyd ee Siyaad Barre oo dadka afka ka xidhi jirtay iyo dawladan maanta joogta oo dhegaha ka xidheysa, hadaba dadka somali land ee dalka iyo dibadiisaba jooga dowladani ma waxey sugtay xaqii iyo sharaftii saxaafada mise meel bey kaga dhacdey .

By Weriyaha Caanka ah: Khadar Dirir

No comments: